Nayjeeriya oo Kaameruun ku eedeysay dilka kalluumaysato

Bakassi waxay Nayjeeriya u deysay Kaameruun 2008 Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Bakassi waxay Nayjeeriya u deysay Kaameruun 2008

Baarlamaanka Nayjeeriya ayaa baaraya warar sheegaya in 97 kalluumayste lagu dilay gacan biyoodka Bakassi oo waddanku uu u daayey Kaameruun.

Wararku waxay sheegayaan in dilalku dheceen todobaadkii hore markii ciidan sida milateriga u tababaran oo Kaameruun u dhashay ay xoog ku dhaqan galinayeen canshuur kalluumaysi oo la soo rogay, taasoo caddadkeedu dhan yahay $300.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Nayjeeriya Abdulrahman Dambazau ayaa ku eedeeyey Kaameruun in ay jabisay heshiis hore u dhex maray labada dal oo ilaalinaya muwaadiniinta dalalkaas.

Xukuumadda Kaameruun weli kama aysan hadlin arrinta.

Dadkii ka samata baxay weerarka ayaa ku soo laabanaya Nayjeeriya ayagoo dhaawacyo qaba, sida uu ku soo warramayo weriye BBCda u jooga Abuja.

Aqalka hoose ee Baarlamaanka Nayjeeriya wuxuu sheegay inuu baarayo wararkaas. Heshiis ayaa jiray ay qaramada midooabay taageeraysay, kaasoo canshuurta ka dhaafayey dadka deegaankaas oo u badan Nayjeeriyaan.

Goor sii horreysay ayey Nayjeeriya u yeertay safiirka Kaameruun si ay cabasho ugu gudbiso.