Hindiya oo sheegtay inay mintidiin ku dishay Kashmir

Kashmir Hindiya Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xiisad ayaa bilihii dambe ka taagneyd Kashmir qeybta ay ka maamusho Hindiya

Ciidamada ammaanka ee ku sugan Kashmir qeybta ay ka maamusha Hindiya ayaa sheegay inay dileen ugu yaraan saddex qof oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin mintidiinta gobolkaasi, ka dib israsaaseyn ka dhacday meel koonfur-bari kaga beegan magaalada Srinagar.

Ciidamada ayaa sheegay in iska horimaadka uu dhacay ka dib markii askartooda rasaas lagu furay xilli ay baaritaan ka wadeen meel u dhaw magaalada Tral.

Ururka Jayshal-Muxamad ee fadhigiisu yahay Pakistan ayaa sheegay in saddex ka mid ah dagaalyahannadiisa la dilay.

Ammaanka Kashmir ayaa la adkeeyay ka dib markii maalmo ka hor halkaa lagu dilay 7 qof oo Hindu ah, kuwaasoo ku dhintay weerar ay fuliyeen mintidiinta gobolkaasi.

Gobolka Kashmir ayaa u kala qeybsan laba dhinac oo Hindiya iyo Pakistan ay kala maamulaan, waxaana labada dal ay sheeganayaan in ay leeyihiin gobolka oo dhan.