Sacuudiga oo baaraya muuqaal ku saabsan gabar kaako gaaban xiratay

Muuqaalka "Khulood" waxaa markii hore la soo galiyay Snapchat Lahaanshaha sawirka Twitter
Image caption Muuqaalka "Khulood" waxaa markii hore la soo galiyay Snapchat

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa baaraysa gabadh soo bandhigtay muuqaal ay iska soo duubtay iyadoo ay bannaantahay cawradeedu.

Gabadhu markii ay muuqaalkan iska duubtay waxay ku sugnayd meel aan gurigeeda ahayn.

Gabadhan oo lagu magacaabo "Khulood" oo ah dadka dharka xayaysiiya ayaa dadka la wadaagtay muuqaalkan oo ay iska soo duubtay iyada oo maraysa qalcadda taariikhiga ah ee Ushayqir.

Muuqaalkan ayaa dhaliyay dood kulul oo ay dadku ku wadaageen baraha bulshada, iyadoo qaar ka mid ah dadku ay ku baaqeen in la xiro maadaama oo ay jabisay shuruucda adag ee labiska ee ka jira dalkaas Muslimka ah.

Qaar kale oo ka mid ah dadka Sacuudiga ayaa ammaanay "geesinimada" gabadha.