Kenya: Hal murashax oo ka qaybgalay dood loo qaban lahaa siyaasiyiin badan

Muthiora Kariara ayaa ku cusub siyaasadda Lahaanshaha sawirka FACEBOOK
Image caption Muthiora Kariara ayaa ku cusub siyaasadda

Dood loogu tala galay in loo qabto siyaasiyiinta Kenya ee doonaya inay noqdaan madaxweyne ku xigeenka dalka marka la qabto doorashada bisha dambe dhici doonta ayaan la hakinin inkastoo uu hal murashax oo kaliya ka qayb galay.

Muthiora Kariara oo ah nin siyaasadda ku cusub oo la tartamaya murashaxa madaxa banaan ee Japheth Kaluyu ayaa muddo saacad ah su'aalo ka jawaabayey.

Murashaxiinta qaarkood ayaan loo ogolaan inay ka qayb galaan maadaama ay soo daaheen.

Xisbiyada siyaasadda ayaa qolyaha soo abaabulay doodda ku eedeeyey inay ku guul darraysteen inay kala tashtaan qaabka loo qorshaynayey dooddan.

Labada murashax ee ugu waaweyn oo kala ah madaxweyne ku xigeenka iminka xafiiska haya William Ruto, iyo Kalonzo Musyoka oo ka tirsan mucaaradka NASA ayaa labada qaaddacay.

Dadkii daawanayey ayaa arkay halkii doodda loogu tala galay oo la dhigay 6 minbar, jaamacad ku taalla Nairobi, hase yeeshee mid kaliya la taagnaa oo inta kalena ay marnaayeen.

Wariye BBC ka tirsan wuxuu sheegay in Muthiora Kariara uusan u muuqan qof uu culays haystay, xitaa markii qolyaha doodda qaybinayey ay magaciisa si khaldan ugu dhawaaqeen.

Wuxuu ka qayb galay wax noqday su'aalo iyo jawaabo kaligiis ah oo dalka oo dhan laga daawanayey, lagana yaabee inay tahay waxa uu jeclaan lahaa qof kasta oo siyaasadda ku cusub, sida uu wariyaheennu leeyahay.