Deeqa Nuux oo ku guulaysatay abaalmarinta gabayada ee BBC Soomaali

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Deeqa Nuux Yuunis oo ka hadashay guusheeda

Laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa hadda ku dhawaaqday gabadha ku guulaysatay gabayaaga sannadka 2017ka ee BBC Soomaali.

Deeqa Nuux Yoonis oo ah gabadh 23 jir ah oo sannadkii labaad ee jaamacada ku jirta ayaa ka guulaysatay 100 gabdhood oo la tartamay.

Tartankan ayaa qayb ka ahaa dabbaaldegga sannadguuradii 60aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay BBC Soomaali.

Tartanka suugaanta ayaa u furnaa in ay ka qeybgalaan dhammaan gabdhaha da'doodu ay u dhaxeyso 16-ka ilaa 35-ka, iyada oo aan lagu xirin khibradooda iyo halka ay ku nool yihiin.

Image caption Deeqa Nuux Yoonis

Balse tartanka ayaa waxaa shuruud u ahaa oo keliya in gabeyga looga qeybgalayo uu yahay mid gabadhu ay curisay oo iyadu leedahay.

Soomaalida ayaa qani ku ah gabeyga, BBC Soomaalina waxa ay rejeynaysaa in abaalmarintan ay sare u qaadi doonto aqoonta jiilka cusub ee Somaliyeed iyo sidoo kale kobcinta gabdhaha da'da yar ee ku taxan dhageysiga BBC Somali.