Rag lagu eedeeyay tahriibinta dadka oo Muqdisho laga dejiyay

tahriib Lahaanshaha sawirka AFP

Garoonka diyaaradaha ee Aaden Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa maanta laga soo dejiyay seddex nin oo ku eedeysan in ay dadka tahriibiyaan.

Raggan ayaa waxaa magaalada Juba ee caasimadda Suudaanta Koonfureed ka soo qabtay booliska Suudaanta Konfureed iyo kuwa caalamiga ah ee Interpol.

Raggan oo magacyadooda lagu kala sheegay Caydaruus Cabdullaahi Naxar, Cabdiraxmaan Maxamuud Socdaal iyo Liibaan Cabdullaahi Xuseen ayaa iyagoo gacmaha ka xiran waxaa lagu wareejiyay xubno ka tirsan booliska federaalka Soomaaliya sida ay BBC-da u sheegeen dad ku suganaa garoonka Aaden Cabdulle xilliga laga soo dajinayay.

Diyaarad gaar ah ayaa raggan geysay Muqdisho, waxana lagu wadaa in lagu soo oogo dacwado ay ka mid tahay in ay dadka si sharci darro ah u tahriibin jireen.

Toddobaad kahor ayay ahayd markii sidan oo kale nin lagu magacaabo Cabdiqaadir Cumar Cabdulle oo ku eedeysan inuu si sharci darro ah u tahriibin jiray dhallinta oo laga qabtay magaalada Juba ee dalka Suudaanta Koonfureed loo gacan galiyay booliska federaalka ee dawladda Soomaaliya.