John McCain oo laga helay kansarka maskaxda

John McCain ayaa laga helay kansar Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption John McCain ayaa laga helay kansar

Xafiiska Senatarka ayaa xaqiijiyay warka sheegaya in uu ku dhacay Kansarka maskaxda, isla markaana uu dhowaan geli doono fursadaha daawo ee u bannaan.

Dhakhaatiirta ayaa tilmaamay in laga yaabo in lagula tacaalo habab kiimiko iyo shucaac isugu jira. Siyaasigan oo da'diisu tahay 80 sano ayaa muddooyinkan ku sugnaa gurigiisa, xaaladiisa caafimaad ayaana hadda ah mid deggan.

Cudurkan ayaa la ogaaday in uu qabo xilli lagu samaynayay qalliin lagu doonayay in looga saaro guntan dhiig ka samaysmay oo ku yaallay xagga sare ee ishiisa bidix, toddobaadkii lasoo dhaafay.

John McCain ayaa leh taageero badan, waxaana uu ka mid ahaa ciidamadii kasoo dagaallamay Vietnam. Waxaa uu soo noqday maxbuus muddo shan sano ah.

McCain ayaa lix jeer loo doortay xubinnimada golaha aqalka sare ee Maraykanka.

Saraakiisha caafimaadka ee isbtilaalka lagu baaray siyaasigan ayaa sheegay in qalliinka looga sameeyay isha korkeeda uu xiriir la leeyahay cudurka Kansarka ee laga helay jirkiisa.

Waxaa uu hadda ka soo bogsoonayaa qalliinkii lagu sameeyey, xaaladiisa caafimaad ayaana lagu sheegay in ay tahay mid deggan.

Guddi uu hoggaamiyo John McCain oo diiday sheegashada in Trump la basaasay

Sida loo daaweeyo finanka wejiga?

Kansarka Chemotherapy ee haleelay siyaasigan ayaa kamid ah kuwa ugu khatarta badan, waxaana uu si isku mid ah ugu dhacaa ragga iyo dumarka.

War kasoo baxay madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lagu sheegay in McCain uu yahay dagaalyahan, isagoo u rajeeyay caafimaad.

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Brack Obama ayaa isna bartiisa Twitterka soo dhigay "John McCain waa geesi, waana mid kamid ah halgamayaasha nasoo maray, Kansarku ma yaqaan cidda uu wajahayo, Johnow ka adkow".

Mowduucyada la xiriira