Jarmalka oo muwaaddiniintiisa uga digay in Turkiga lagu xiro

Turkey Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne Erdogan iyo hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo ku kulmay shirka G20 ee magaalada Hamburg ka dhacay bishan

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa sheegtay in dadka sababo ganacsi oo u gaar ah ugu safaya dalka Turkiga lagu boorrinayo inay aad u digtoonaadaan.

Waxay wasaaraddu sheegtay in shirkaduhu ay wajahayaan khatarro dhanka maalgashiga ah sababo la xiriira sharci la`aanta Turkiga.

Jarmalka ayaa maanta cabasho ka dhan ah lix qof oo xuquuqda bini`aadamka u dhaqdhaqaaqa oo Turkiga lagu xiray u gudbiyay safiirka Turkiga ee dalkaasi.

Lixda qof waxaa ka mid ah nin u dhashay Jarmalka oo lagu magacaabo, Peter Steudtner, iyo agaasimaha hay`adda u doodda xuquuqda dadka ee Amnesty International ee dalka Turkiga, Idil Eser.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa jawaab ka bixisay arrintaasi, iyadoo seegtay in cabashada Jarmalka ay tahay mid aan la aqbali karin oo faragelin toos ah ku ah garsoorka Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa eryay qaar ka mid ah hay`adaha dowliga ah kaddib markii saraakiil milatariga dalkaasi ka tirsan ay isku dayeen inay xukunka ka tuuraan sanad kahor.

In ka badan 50,000 o qof ayaa la xiray tan iyo isku daygii afgembi ee dhicisoobay, dadkaas waxaa ka mid ah in ka badan 170 weriye iyo siyaasiyiin badan oo mucaaradka ka tirsan, aqoon yahanno iyo dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda bini`aadamka.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay wadaadka fadhigiisu yahay dalka Mareykanka Fethullah Gulen inuu ka dambeeyay isku daygaasi.

Shaqo ka eryiddan oo saameysay xoogagga hubeysan, waaxda garsoorka, booliiska iyo waaxda waxbarashada ayaa galaafatay in ka badan 140,000 oo qof kuwaas oo waayay shaqadooda.