Dayaaradihii oo ka batay hawada UK

Hawada UK waxaa ka batay duullimaadyadii Lahaanshaha sawirka NATS
Image caption Hawada UK waxaa ka batay duullimaadyadii

Jimcaha ayaa noqday maalintii hawada UK ay ugu saxmadda badnayd, qolyaha dayaaradaha hagana waxay sheegayaan in aysanba jiri doonin meel u banaan in dayaarado kale ay ku duulaan.

Waxay ku baaqeen in degdeg loo casriyeeyo hagidda dayaaradaha hawada UK.

Arrintan ayaa timid ayadoo xukuuumaddu ay bilaabayso in laga doodo qaabka uu yeelanayo hanaanka duullimaadyada ee UK 30ka sano ee soo socda.

Qolyaha dayaaradaha haga waxay filayaan inay hagi doonaan 770,000 oo duullimaad xagaagan, tiradaas oo 40,000 ka badan tii sannadkii hore.

Waaxda gaadiidka waxay sheegaysaa haddii maamulka hawada aan wax laga beddelin in qiyaastii 3,100 maalmood oo dib u dhac duullimaadyo u dhigma ah ay dhici doonaan wixii loo gaaro 2030.

Taasi waxay 50 jeer ka badan tahay dib u dhacyadii duullimaadyada ee 2015 oo ahaa ilaa 8,000 oo duullimaad.

Lahaanshaha sawirka NATS
Image caption Xukuumaddu waxay ku bixisay £600 malyan kombiyuutarro cusub oo mushaakilka lagula tacaalayo

Xukuumaddu waxay doonaysaa in dadweynuhu soo gudbiyaan fikrado ay ka dhiibtaan mowduucyo badan oo isugu jira sida xaraynta alaabta xamuulka ah oo bartamaha magaalada lagu soo xaraysto ilaa iyo dhawaaqa dayaaradaha oo la yareeyo.

Lixda mowduuc ee talooyinka laga dhiiban doono bilaha soo socda waxaa ka mid ah:

- Adeegga macaamiisha

- Bedqabka iyo amaanka

- Isku xirka dunida

- Tartanka suuqyada

- Taageeridda koboca ayadoo saamaynta deegaankana lala tacaalayo

- Hal abuurka, tiknoloojiyadda iyo xirfadda