Nin asagoo qalliin ku jira gitaar garaacanayey

Prasad intii uu miiska qalliinka saarnaa Muusik ayuu tumayey Lahaanshaha sawirka PTI
Image caption Prasad intii uu miiska qalliinka saarnaa Muusik ayuu tumayey

Muusikiiste Hindi ah ayaa miiska qalliinka ku garaacay Gitaar si dhakhaatiirta uu uga caawiyo inay ka daweeyaan xanuun ka hayey murqaha faraha.

Abhishek Prasad ayaa la weydiistay inuu Gitaarka garaaco mar kasta oo dhakhaatiirtu ay doonayaan inay wax ka daweeyaan qayb maskaxda ka tirsan oo koontaroosha dhaqdhaqaaqa.

Xaaladda uu qabay ayaa ah mid keenta xanuun murqaha ku dhaca, ama dhaqdhaqaaqyo soo noqnoqda, ama qaabab aan caadi ahayn oo lagu arko addimada qofka.

Lahaanshaha sawirka IMRAN QURESHI
Image caption Qalliinka ka dib si caadi ah ayuu gitaarka u garaacayey

Mr Prasad wuxuu BBC u sheegay in qalliinka ka dib uu si caadi ah gitaarka u garaacayey. Wuxuu intaa ku daray in todobaad ka dib ay dhakhaatiirtu ka fureen tolmadii ay madaxiisa toleen qalliinka ka dib.

Xanuunka qabtay Mr Prasad ayaa ka hor joogsaday inuu dhaqaajiyo Far-dhaxaadda, Far-yarada iyo tan u dhaxaysa ee gacantiisa bidix.

Waxaa xusid mudan in aan la suuxin intii uu qalliinku socday oo uu xusuusto marxlad walba.