Madaxwaynaha Falastiiniyiinta oo hakiyay xiriirka uu Israa'iil la lahaa

Saraakiisha caafimaadka oo isbataal kula cararaya haween Israa'iili ah oo dhaawac ah Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Saraakiisha caafimaadka oo isbataal kula cararaya haween Israa'iili ah oo dhaawac ah

Madaxwaynaha falastiiniyiinta , Mahmoud Abbas, ayaa hakiyay dhammaan xiriirkii rasmiga ahaa ee uu la lahaa Israa'iil .

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili ay sii kordhayso xiisada ku aadan tilaabooyiinka ammaan oo dheeraad ah oo lagu soo rogay magaalada qadiimiga ah ee Qudus.

Saddax qof oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay isku dhacyo dhexmaray dibad baxayaal falastiiniyiin ah iyo ciidamada ammaanka israa'il.

Sidoo kale saddax qof oo israa'iliyiin ah ayaa tooreey lagu dilay meel u dhaw magaalada Ramala ee ku taala daanta galbeed .

Saxaafada Israa'il ayaa sheegtay in saddaxda qof ee la dilay ay kala ahaayeen laba nin iyo haweeneey,islamarkana weerarkaasi uu ku dhaawacmay qof kale oo israa'iili ah.

Israa'iil ayaa ku tilmaamtay mid lagama maarman ah tilaabooyiinka ammaanka ee ay qaaday ka dib markii la dilay laba ka mid ahaa askarteeda.