Madaxii Booliiska gobolka Minnesota oo iscasishay

Justine Damond iyo saaxibkeed, Don Lahaanshaha sawirka FACEBOOK
Image caption Justine Damond iyo saaxibkeed, Don

Madaxii booliiska gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa iscasishay ka dib markii mid ka mid ah booliiska gobolka uu toogasho ku dilay haweenay aan hubaysnayn oo u dhalatay dalka Australia.

Justine Damond ayaa la dilay todobaadkii aanu soo dhaafay ka dib markii ay booliiska wacday si ay ugu wargaliso haweenay ka qaaylinaysay meel dibadda ka ah gurigeeda oo ku yaalla magaalada Minneapolis.

Madaxa booliiska gobolka Minnesota Janee Harteau oo imika iscasishay ayaa horay u sheegtay in arrintani ay ahayd mid aan loo bahnayn in ay dhacdo.

Duqa magaalada Minneapolis ayaa aqbashay iscasilaadeed ,waxa ayna sheegtay in ay lumisay kalsoonidii ay ku qabtay Ms Harteau.

Geerida haweenaydan lagu magacaabo Ms Damond ayaa waxa ay caro ka dhalisay dalkeed, waxaana raisul wasaaraha Australia Malcolm Turnbull uu ku tilmaamay dhacdadan mid naxdin leh.

Ka hor inta aysan iscasilin ayaa Ms Harteau waxa ay ka sheegtay shir jaraa'id oo ay qabatay in dilkaasi uu ahaa ficil ku kooban hal shaqsi.

Askariga toogtay Ms Damond oo lagu magacaabo Mohamed Noor, ayaa diiday in wax su'aalo ah ay waydiiyan baarayaasha kiiskan ,taasi oo la sheegay in ay tahay xaqiisa dhanka sharciga.