Milatariga Masar oo sheegay in ay dileen 30 mintidiin ah

milatariga Masar Lahaanshaha sawirka AFP

Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa sheegaya in maalmihii la soo dhaafay ay gacanta Siinaay ku dileen 30 ka tirsan mintidiinta halkaasi ka hawlgasha.

Warbixin qoraal ah oo uu soo saaray milatariga dalkaasi ayaa lagu sheegay in hawlgallo laga sameeyay magaalooyinka Al-Cariish, Rafah iyo Sheekh Suweyd.

Mintidiinta gobolka Siinaay ayaa lala xiriiriyaa kooxda dowladda Islaamka, waxaana inta badan ay weerarro ku beegsadaan laamaha ammaanka.

Gobolkaasi ayaanan loo ogolayn weriyeyaasha, waa ayna adagtahay in la helo warar madaxbannaan oo xaqiijiyo sheegashada milatariga Masar.