Soomaalida Mareykanka oo iska fogaysay habka loo tebiyay dilkii uu gaystay askari Soomaali Amerikan ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida Mareykanka oo ka carootay habka loo tebiyay dilkii uu gaystay askari Soomaali Amerikan ah

Mid ka mid ah xubnaha golaha deegaanka magaalada Minneapolis ayaa si kulul u cambaareeyay habka uu sheegay in warbaahinta Mareykanka iyo kuwa Australia ay u tebiyeen dil uu dhawaan gaystay wiil Soomaali American ah oo ka tirsan booliska magaaladaaasi Minneapolis.

Cabdi Warsame oo shir jaraa'id halkaasi ku qabtay ayaa sheegay in masuuliyadda dilkaasi aanan loo saari karin Soomaalida Minnesota ama Muslimiinta sida ay qoreen buu yiri qaar ka mida warbaahinta.

Haddaba shirkaasi jaraa'id kaddib ayaa waxaa inoo suuragashay inaanu wareysanno Cabdi Warsame oo u warramay, Siyaad Saciid Salah, oo ah wariye madax banaan oo Minnesota dagan, ugu horreynna waxa uu waydiiyay waxa uu ku saabsanaa shirkiisa jaraa'id?