Nabad ilaaliyaal ka tirsan Qarmada Midoobay oo CAR lagu weerraray

Nabad ilaaliyayaal ka tirsan Qaramada MIdoobay oo bishii la soo dhaafay lagu sawiray iyagoo jooga deegaanka Bira ee waqooyiga Bangassou Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Nabad ilaaliyayaal ka tirsan Qaramada MIdoobay oo bishii la soo dhaafay lagu sawiray iyagoo jooga deegaanka Bira ee waqooyiga Bangassou

Maleeshiyo masiixiyiin ah oo ka dhisan dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa waxa ay weerrartay nabad ilaaliyaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ilaalo ka aheyd kolonyo booyado biyo siday.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in nabad ilaaliye u dhashay dalka Marooko la dilay halka saddex kalana ay weerarkaasi ku dhaawacmeen.

Weerrarka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada ku taalla koonfurta ee dheemanka laga qodo ee Bangassou, halkaasi oo maleeshiyaadka anti-balaka ay hareereeyeen kaniisad hoy u ah boqolaal Muslimiin oo soo barakacay.

Dadkaasi ayaa halkaa deganaa tan iyo bishii May markaa oo ay halkaasi ka bilowdeen dilal ku salaysan qowmiyad.

Inta badan hay'adaha gargaarka ayaa sheegay inay joojinayaan howlgalkii ay magaaladaasi ka wadeen.

Kumannaan qof ayaa ku dhintay dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika tan iyo markii fallaagada ay Muslimiinta u badan yihiin ay xilka ka tureen Madaxweyne Francois Bozize afar sano ka hor.