Hooyo Soomaali ah oo korsota canug laga qaatay qoys Soomaaliyeed
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hooyo Soomaali ah oo korsota canug laga qaatay qoys Soomaaliyeed

Soomaalida ku nool qurbaha, oo qoysaska qaar ay carruurtooda kala wareegaan dowladaha ay ku nool yihiin, ayaa markan waxaa arrintaa ka dhiidhisay hooyo Soomaaliyeed oo deggan magaalada Toronto ee waddanka Canada.

Hooyadan oo lagu magacaabo Sabaax Maxamed Axmed, oo laftigeeda dhashay 5 carruur ah ayaa go'aansatay inay iyadu korsato canug Soomaali oo la geeyay mid ka mid ah xeryaha xanaanada dhallaanka ee Canada.

Haddaba waxa arrintan ku dhalilyay ayaannu ka wareysannay Sabaax Maxamed oo u warrantay weriyaha BBC-da Fardowsa Maxamed Cilmi, oo marka hore waydiisay sida ay ku heshay warka wiilkan yar ee ay soo qaadatay?