Wiilka uu Soddoga u yahay Trump oo su’aalo la waydiin doono maanta

Mr Kushner iyo Xaaskiisa oo ku faraxsan guushii Trump Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mr Kushner iyo Xaaskiisa oo ku faraxsan guushii Trump

Baaritaanada ku aadan faragelinta la sheegay in ruushka ku sameeyey doorashadii maraykanka ayaa haatan waxa lagu tuhmayaa qof aad ugu dhow madaxweynaha maraykanka Donald Trump.

Mr Jared Kushner, waxa uu ka mid ahaa dadkii sida aadka ah ugu ololeeynayay Madaxweyne Trump xilligii doorashada, hase ahaate waxa lagu eedeynayaa in uu xilligaasi kullamo la qaatay qareen ka soo jeeda Ruushka bishii June ee sanadkii hore.

Kullankaasi waxa soo qabanqaabiyay will uu dhalay Mr Trump kaasoo balan qaaday in la soo saari doono xog wax u dhimeeysa Hillary Clinton oo aabihis kula tartameysay xilka madaxtinimada ee dalkaasi.

Sidoo kale waxa la sheegay in wiilka sodoga uu u yahay Trump ee Mr Kushner uu kullamo la qaatay safiirka Ruushka u fadhiyo mareykanka.

Si kastaba maanta Mr Kushner waxa uu kulan albaabada u laaban lagali doonaa gudiga sirdoonka ee aqalka sare ee Mareykanka waxayna arimahaasi ka weydiin doonaan su'allo.

Donald Trump ayaa baaritankaasi ku tilmaamay mid qiyaano ah.