Maxaa ka jira eedeymaha sheegaya in ganacsatadu ay lacag siiso Shabaabka?

Kooxda Shabaab ayaa la sheegaa inay lacaga badan ka qaada ganacstada Soomaaliya
Image caption Kooxda Shabaab ayaa la sheegaa inay lacaga badan ka qaada ganacstada Soomaaliya

Mid ka mid ah qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Federaalka ee Magaalada Kismaayo ku qabsoomay todobaadkii hore waxa uu ahaa in la joojiyo maalgalinta iyo lacagaha la siiyo Alshabaab.

Iyada oo go'aankaasi la fulinayo ayay wasaaradda amniga gudaha iyo taliyeyaasha booliiska iyo nabad suggida soo saareen wareegto lagu amrayo ganacsatada Soomaaliyeed in ay joojiyaan lacago la sheegey in ay sako ahaan u siiyaan ururka Alshabaab oo ka taliya deegaano ka mid ah Soomaaliya.

Shir jaraa'id oo lagu qabtay xarunta koomando boolisiyo ama taliska booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka hadlay wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow oo sheegey in ay ka warhayaan ganacsato bil kasta lacago u geeya ama u dira Alshabaab, iyo kuwa xitaa aada goobaha ay ka taliyaan si loogu garsooro.

Lahaanshaha sawirka Eng. Yarisow/Facebook
Image caption Shirkii golaha wasiirada Federaalka ee Magaalada Kismaayo ayaa looga hadlay joojinta maalgelinta Shabaabka

Wasiirka oo hadlayay waxa uu yiri "waxaa dambi ah ama mamnuuc ah nooc kasta oo taageero ah oo lagu siinayo nimanka argagixisada ah, sida ganacsi, siyaasad, quudintooda, barbar istaaga, la xiriirka, la shaqaynta, niyad u dhisida, waxaa talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayaa cid kasta oo ururada argagisada u aqoonsata maamul jira, sida in ay u xukun tagaan, waa la soconaa dad badan Soomaali ah ayaa u xukun tago, kuna qanacsan xukunkooda"

Waxaa sidoo kale hadalo aad u kulul jeediyey taliyaha hay'adda nabad suggida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA Maxamed Cabdullaahi Cali (Sanbaloolshe) oo isagu xitaa heerka ciqaabta gaarsiiyey in qofka hantidiisa lagala wareegi doono.

"Laakiin haddii bishii qof kasta oo dukaan ama goob ganacsi leh ama shirkad leh inta loo yeero la yiraahdo xoolihiisa waa intaan, wixii la doonana laga qaadanaayo, hadana waxaas baabuur qarax ah iyo rasaas iyo wax la dilo iyo bastoolado iyo ciidamo lagu qoronaayo, dagaalkaasi ma istaagaayo, dagaalka waxa joojin kara waxaa koow ka ah dadka dhaqaalaha bixinaaya, fadlan wixii maanta ka dambeeya cid loogu dulqaadan doono in ay Shabaab dhaqaale siiyaan ma jirto'' ayuu yiri Sanbaloolshe.

Wuxuu intaasi sii raaciyay, "cidii Tooro Tooroow iyo meelaha ay shabaabka degenyihiin aadaysa waa la qabanaa , ciddii ka imaanaysana waa la qabanaa, … ciddii lagu xaqiijiyana maxkamad ayaa la saaraa, hantidoodana waa lala wareegaa"

Hadaba maxaa ka jira eedeymahan ?

Ururka Alshabaab oo kasoo horjeeda dowladda waxa uu ka taliyaa deegaano badan oo ka tirsan dhulka bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, halkaasi oo dadka ku nool haddii ay ahaan lahaayeen ganacsato, beeralay ama xoolo-dhaqato looga qaada lacago loogu magac-bixiyey zakawaad.

Sidoo kale waxa Alshabaab isla lacagahaasi oo kale la sheegaa inay ka qaadaan ganacsatada magaalooyinka waaweyn ee dalka ku sugan.

Image caption Suuq Bakaaraha ayaa ka mid ah goobaha la sheegay in Shabaabka ay lacagaha ka qaadaan

Ma ahan arrin cadeymo rasmi ah loo hayo lacagaha ay ganacsatada siiyaan Alshabaab, balse taliyaha NISA waxa uu sheegayaa in ay hayaan liiska ganacsatada iyo cadadka lacagaha la gaarsiiyo Alshabaab, wixii hadda ka dambeeyana aanan loo dulqaadan doonin.

Wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Adan waxa uu leeyahay, ganacsatada waxa ay galeen labo daran mid dooro, haddii ay dowladda amarkeeda jabiyaan waxa ay wajahayaan sharciga, haddii ay fuliyaana ciqaabta Alshabaab oo aad u daran ayay muteysanayaan.

war aad loo soo xigtay

Wargeys lagu magacaabo Indian Ocean Newsletter cadadkiisii 1455, oo sidoo kale lagu faafiyey webka Africanintellegence.com oo ka faalooda arrimaha sirdoonka ayaa todobaadkan soo qorey sheeko ku saabsan shir dhexmaray Ra'isulwasaare Xassan Cali Kheyre iyo dublamaasiyiin reer galbeed ah, shirkaasi oo uu kheyre ka sheegey magacyada ganacsato waaweyn oo Soomaaliyeed oo lacago aad u badan siiya Alshabaab, arrintaasi ay caqabad weyn ku tahay dowladda.

6 arrin ka ogow dhaqaalaha Soomaaliya

Diidmada Shilin Soomaaliga oo ku sii fideysa bartamaha Soomaaliya

Balse qoraal uu soo saaray wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Yariisoow ayuu ku beeniyey sheekada wargeyska oo ahayd mid warbaahinta maxaliga ah aad usoo xigatay.

"Dowlada Federaalku waxey caddeyneysaa inuusan dhicin kulan looga hadlayey sumcada iyo sharafta shakhsiyaadka kor ku xusan. Dowlada Federaalku waxey welwel ka qabtaa maqaalkan oo ujeedo guracan laga lahaa loogu danlahaa in lagu xumeeyo xiriirka wanaagsan ee Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed. Dowlada Federaalku waxey cadeyneysaa in Ganacsatada Soomaaliyeed ay door weyn ka qaataan dadaalada Dowladda ee soo celinta amniga iyo nabadeynta iyo horumarka dalka"

Qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa qorey in ganacsatada ay Alshabaab sanadkii siiyaan lacag dhan $150 malyuun oo doolar, taasi oo ka badan lacagaha la sheego in ay ha helaan dhoofinta dhuxusha taasi oo gaaraysa $80 malyuun sanadkii.

Wali wax hadal ah kama aysan soo saarin amarkani ganacsatada Soomaaliyeed iyo sheekada wargeyska uu qorey intuba .

Dowladda waxay ku talineysaa in dadka ay isaga soo guuraan meelaha Alshabaab ay ka taliyaan, dagaalkana qeyb ka noqdaan.

Inkasta oo aanan la faahfaahinin talaabada laga qaadayo ganacsatada, hadana qodobka ah in hantidooda lala wareegayo ayaa malaha ah walwalka ugu weyn ee haatan soo wajahay ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan shirkadaha waaweyn.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Farmaajo oo ganacsatada ugu baaqay inay shacabka u naxariistaan

Sharci ahaanshaha amarka

Inkasta oo dowladda ay awood u leedahay in ay soo saarto amaro kuwan oo kale haddii ay u aragto in danta dalka ay ku jirto, taasi oo ah mid dastuuri ah, haddana waxaa la'isweeydiin karaa sharci ahaanshaha amarkani, gaar ahaan marka ay timaado sida loo fulinayo ciqaabaha.

BBCda waxa ay la hadashay Samaan Maxamed Sheekh Daahir oo ahaa guddoomiyihii guddiga maaliyadda baarlamaankii 9aad ee sanadkii hore waqtigiisa dhammaaday, kaasi oo ansixiyey sharciga la dagaalanka lacag-been-xalaaleysiga. Waxa aan wax ka weeydiinayay sida ay isu quseeyaan sharcigaasi iyo amarka ay dowladda hadda soo saartay.

"Arrinta hadda lasoo saaray waa ay waafaqsantahay sharcigaan, sababtoo ah sharcigan wuxuu joojinayaa wixii nooc argagixiso ah ama wixii taageeraayo koox u hubeysan sida ciidamo oo aan sharci ahayn iyo argagixiso iyo wixii la halmaala oo dhan in lagaga hortago" ayuu yiri.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dhismaha ciidammada qaranka Soomaaliya amxaa hortaagan

Isaga oo sii faahfaahinaya sharcigan ayuu yiri '"sharcigan waxaa asaas u ah qaraaro uu soo saaray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, gaar ahan kan 1267 ee soo baxay sanadkii 1999-kii, kan labaad ee nambarkiisu yahay 1373 oo soo baxay 2001-kii, kan tirsigiisu yahay 1452 oo soo baxy 2002-dii iyo kuwa kale oo badan, asbaabtana waxa ay tahay caalamka markii ay ku badatay waxyaabaha sharci darada ee lagaga dhaqmo ayay Golaha Ammaanka soo saareen qaraaraadkaasi lagag ahortagayo"