Furitaanka garoonkii diyaaradaha ee Buurdhuubo oo lagu farxay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Furitaanka garoonkii diyaaradaha ee Buurdhuubo oo lagu farxay

Maamulka iyo dadka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa iska kaashaday dayactirka garoonka diyaaradaha ee degmada oo muddo dhowr iyo labaatan sano ah xirnaa.

Degmada ayaa go`doonsan muddo afar sano ah iyadoo muddadaas uu aad u xumaa isu socodka dadka, garoonkan ayaana la rajeynayaa inuu wax ka badelo isu socodka ganacsiga iyo dadkaba.

Haddaba dib u dayactirka garoonka ayaa waxaannu ka wareysannay guddoomiyaha degmadaasi Buurdhuubo, Xasan Muxumad Cali, oo u warramay weriyaha BBC-da, Faadumo Macallin Abuukar.