Mas'uuliyiin loo xiray maxaabiis lagu dilay Belad Xaawo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mas'uuliyiin loo xiray maxaabiis lagu dilay Belad Xaawo

Maamulka Jubaland ayaa soo xiray gudoomiyihii degmada Beledxaawo iyo labo sarkaal oo kale oo ku eedeysan inay amreen dilka afar maxbuus oo ku xirnaa jeelka magaaladaasi, oo habeen hore inta jeelka lagala baxay la dilay.

Xubno uu horkacayay wasiirka amniga ee Jubaland ayaa raggan ka soo qabtay Beledxaawo, waxayna hadda ku xiran yihiin degmada Doolow ee isla gobolka Gedo.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan ayaa taleefanka Doolow kula hadlay wasiirka amniga ee Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Cabdirashiid Janan) wuxuuna marka hore weydiiyay talaabadii ay qaadeen markii uu dhacay dilka afarta maxbuus.