Hindiya oo yaanyada 'hub' lagu waardiyeynayo

YOUTUBE/INDIA TV Lahaanshaha sawirka YOUTUBE/INDIA TV
Image caption Tuugo ayaa la sheegay inay xadeen kumanaan tan oo yaanya ah

Dalka Hindiya waxaa sare u kacay qiimaha lagu kala iibsado yaanyada, waxaana dhacday tuuginimo baahsan oo lagu hayo yaanyada, sidaasi darteedna dadka ka ganacsada yaanyada waxa ay hadda bilaabeen in ay soo kireystaan waardiyeyaal hubeysan.

Sida uu qorey wargeyska Hintustan Times ee dalkaasi kasoo baxa, ganacsatada jumlada u iibiya qudaarta ee suuqa weyn ee magaalada Indore, gobolka Madhya Pradesh ay keensadeen illaalo hubeysan kadib markii kooxo tuugo ah ay boobeen kartoono yaanyo ah.

Halista waxa ay badantahay marka baabuurta xamuulka laga dajinayo yaanyada sida ay sheegeen maamulayaasha suuqa weyn ee Devi Ahilya Bai Holker.

Lahaanshaha sawirka YOUTUBE/INDIA TV
Image caption Qiimaha yaanyada ayaa sare u kacday

Gobolka Madhya Pradesh waxaa sanadkani soo maray xili beereed wanaagsan, waxaana usoo go'day yaanyo badan taasi oo keentey in beeralayda qaar ay dariiqyada ku daadiyaan yaanyada bil ka hor.

Balse hadda xiligii ay baxaysay lama joogo, waxaana uga sii daray roobab daadad wata oo harqiyey dalaggii beeraha, sidaasi darteedna waxaa aad sare ugu kacay qiimaha yaanyada illaa iyo 100 rupees ($1.55) halkii kiilo.

Qiimahan sare u kacay waxa uu aad ugu daranyahay dadka fuqarada ah, kuwaasi oo cabasho badan ka qaba.

Mid ka mid ah dadka wax taxliiliya ayaa sheegay in basasha ay horey u ahayd mid rida dowladda balse hadda yaanyada ay noqon karto mid walwal badan ku abuurta siyaasiyiinta.

Haweeney Amerikaan oo lagu "kufsaday" Hindiya

Hindiya oo hawada u dirtay 104 dayaxgacmeed