Soomaalida ku nool Minneapolis sidee u arkaan qorshaha lagu baddalayo adeega caafimaadka ee Obama care
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida Minneapolis oo ka hadlay qorshaha lagu baddalayo adeega caafimaadka Obama care

Senatarrada Mareykanka ayaa u codeeyay inay sii wadaan dood meesha looga saarayo sharciga adeegga caafimaad ee Obamacare.

Tallaabadan ayaa waxaa soo bandhigay hogaamiyaha aqlabiyadda senate-ka waana ay iska caddayd in barnaamijku uu taageero ku filan ka haysto Jamhuuriyiinta.

Waxyar ka hor inta aanan codka loo qaadin arrintan ayaa laba senatar oo ka soo horjeeday qeyb ka mid ah qorshaha lagu badelayo Obamacare ayaa sheegay inay doorbidayaan in dooddu ay sii socoto.

Madaxweyne Trump-na waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu helay codkii uu bahnaa.

haddabo,Siyaad Saciid Salah, oo ah wariye madax banaan oo dagan magaalada Minneapolis ayaa microphone-ka la dhex qaaday qaar ka mid ah Soomaalida magaaladaasi ku nool oo uu waydiiyay sida ay u arkaan in senate-ka Mareykanka uu bilaabayo doodda ku saabsan sidii meesha looga saari lahaa adeegga caafimaad ee Obamacare mid cusubna loogu keeni lahaa?