Dowladda Liibiya oo taageero ciidan ka codsatay Talyaaniga

Muhaajiriin Lahaanshaha sawirka Getty Images

Ra'iisalwasaaraha Talyaaniga ayaa sheegaya in dowladda Liibiya ay Qaramada Midoobey taageerto ay ka codsatay taageerada ciidamada badda ee Talyaaniga si ay gacan uga geystaan la tacaalidda tahriibinta dadka ee xeebaha dalka Liibiya.

Paolo Gentiloni ayaa sheegay in ra'iisalwasaarha Liibiya, Fayes Al-Siraaj, uu ciidamada badda ee Talyaaniga ka codsaday taageero farsame si la isugu dayo in la xakameeyo qulqulka muhaajiriinta dalka Liibiya ka dhigtay marinka ee ka tallaabaya badda Medhiteriiniyaanka.

In kabadan 9,000 oo qof ayaa sanadkan oo kaliya ka tallaabay badda Medhiteriiniyaanka.

Ra'iisalwasaarha Liibiya, Fayes Al-Siraaj, ayaa hadda booqasho ku jooga dalka Talyaaniga.

Booqashadiisa ayaa imaaneysa maalin uun kaddib markii uu heshiis xabbad joojin shuruud la'aan ah uu la galay Khalifa Xaftar oo ay siyaasad ahaan iska soo horjeedaan.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale ku jiray suurtagalnimda in dalkaasi Liibiya ay ka dhacdo doorasho.