Ruushka oo ka carooday cunaqabataynta cusub ee Maraykanka

Madaxweynayaasha Ruushka Putin iyo kan Maraykanka Trump oo kulmaya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynayaasha Ruushka Putin iyo kan Maraykanka Trump oo kulmaya

Dowladda Ruushka ayaa si caro leh uga jawaabtay cunaqabataynta cusub ee congress-ka Maraykanka ay kusoo rogeen dalkaasi.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu gaaray meeshii ugu xumayd oo aanan xitaa la hagaajin karin.

Mid ka mid ah xildhibaanada aqalka senate-ka Ruushka ayaa sidoo kale sheegay "in Maraykanka looga aargoosto si ay xanuun iyo dhibaato ku dareemi doonaan dadka Maraykanka".

Xitaa saxaafadda Ruushka ayaa si weyn uga hadlaysa cunaqabataynta cusub , iyada oo wargeysyada Moscow kasoo baxa midkood uu cinwaan bogga hore kusoo qoray "Ruushka waxaa la ciqaabay dabmi la'aan".

Xildhibaanada Aqalka Wakiilada ama Congress-ka Maraykanka ayaa meel mariyey sharci xoojinaya cunaqabatayntii xukuumaddii Barack Obama horay ugu soo rogtay Ruushka, iyada oo waliba aad loo adkeeyey suurtogalnimada in si sahlan lagu qaadi karo.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Aqalka Congress-ka Maraykanka oo u codeeyey cunaqabatayn cusub oo Ruushka la saarayo

Waxaa laga baqdin qabay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka laaban doono cunaqabataynadii uu horey Maraykanka u saaray Ruushka, duulaankii uu Ruushka ku qaaday Ukraine awgeed.

Balse hadda waxa uu sharcigani xadidayaa awoodda madaxweyne ee cunaqabatayn lagu qaadi karo, waxaana qasab laga dhigay in mar kale uu congress-ka hor yimaado oo uu kala tashado haddii cunaqabatayn dal laga qaadayo.

Sharcigan cusub waxa uu sidoo kale xanibaad ku samaynayaa in wax ganacsi ah lala sameeyo shirkadaha Ruushka, gaar ahaan arrimaha la xiriira xagga tamarta.

Saraakiil u hadashay Aqalka Cad waxa ay sheegeen in ay darsayaan sharciga ka hor inta aanan la hordhigin madaxweynaha.

Madaxweyne Trump ayaa aad loogu tuhmayaa in uu u janjeero dhanka Ruushka, samaynna karo wax kasta oo Ruushka u wanaagsan.