Dab weyn oo ka kacay kayn ku taala Faransiiska

Diyaarado daminaya dabka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Diyaarado daminaya dabka

In ka badan 10,000 oo qof ayaa laga qixiyey gobol ku yaala dalka Faransiiska halkaasi oo uu ka sii hulaaqayo dab xoog badan oo qabsaday keymo halkaasi ku yaala.

Boqolaal shaqaalaha dab-damiska ah ayaa lagu daadgureeyay meesha loo yaqaan Bormes-les-Mimosas ee dalkaasi Faransiiska.

Mar sii horeysey dowladda Faransiiska ayaa gacan weeydiisatay waddamada Midowga Yurub ee dariska la ah si wax looga qabto dabka sii fidaya.

Dhul lagu qiyaasay 4,000 oo hiktar oo dhaca dhul xeebeedka badda Mediterranean -ka ayaa lagu soo waramayaa in uu gabi ahaanba gubtay, halkaasi oo dadkii deganaa laga qixiyey.

Dabka ugu xun waxa uu ka hurayaa meesha caanka ah ee loo dalxiis tago ee Saint-Tropez.

Ugu yaraan 12 shaqaalaha dab-damiska ayaa ku dhaawacmay dabka , halka 15 kale oo ciidamada booliiska ka tirsan ay ku waxyeeloobeen qaaca oo naqaska ku dhajiyay.

Haweeney dalxiise ah oo dhalatay Britain, Lisa Minot, oo ku sugan meel u dhow St.Lopez ayaa BBC-da u sheegtay in dhammaan dalxiisayaashii laga qixiyey halkaas, cabsi laga qabo dabka awgiis.

Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Shaqaalaha dab-damiska
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Guryo halis u galay in uu dabka burburiyo
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Diyaarado daminaya dabka