Cilmi-baarayaashii Nigeria oo la soo badbaadiyay

Boko Xaraam Waxay weerarro hore uga gaysteen harada Chad Lahaanshaha sawirka BOKO HARAM VIDEO
Image caption Boko Xaraam Waxay weerarro hore uga gaysteen harada Chad

Milateriga Nigeria ayaa sheegay inuu soo badbaadiyay koox cilmi-baraayaal jaamacadeed ah oo ay afduubteen maleeshiyaad looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Ururka Boko Xaraam, kuwaas oo weerrar gaadma ah ku soo qaaday iyagoo maraya waqooyi bari Nigeria.

Bayaan ka soo baxay milateriga ayaa lagu sheegay in sagaal ka mid ah askartooda la dilay intii uu weerarku socday.

Tobankan Cilmi-baare oo ka tirsan Jaamacadda Maiduguri ayaa waxa ay qandaraas lagu baarayo shidaal kula jireen shirkadda saliidda ee dowladda Nigeria.

Waxa ay la socdeen kolonyo gawaari ah oo lagu qaaday weerrar gaadma ah xilli ay habeenkii Talaadad dib ugu soo guryo noqonayeen magaalada.

Goor sii horraysay ayaa shirkadda maamusha shidaalka dowladda waxa ay sheegtay in la soo badbaadiyay saddex ka mid ah kooxdaasi la afduubtay.

Hasayeeshee weli kama aanay hadlin sheegashadan ugu dambaysay ee milateriga ka soo baxday.

Qof goobjooge ah ayaa BBC-da u sheegay in milaterigu uu yaraynayo tirada dadka halkaasi lagu dilay.

Waxa uu sheegay in dhowr cilmi-baari la dilay halka kuwo kalana weli la la'yahay.