Lixdan iyo Shan jir waxbarasho maku bilaabi lahayd?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Lixdan iyo Shan jir waxbarasho maku bilaabi lahayd?

Dhageyste cilmigu ma leeyahay da' u gaar ah oo ay tahay in ruuxu uu wax ku barto.

Haddaad maqli jirtay carruur yar yar ayaa iskuullada subax walba u kalahda, maanta waxaannu idiin haynaa nin da' ah oo carruutiisa ay fasal qura wada dhigtaan.

Waa Maxamed Suurey Cali oo 65 jir ah, oo markii ugu horreysay ku biiray iskuul uu ka barto far-Soomaaliga.

Fasalka koobaad ee dugsiga hoose ee Beledul-amiin ee magaalada Baydhabo ayuu la dhigtaa carruurtiisa oo labo ah.

Waa beeralley dhowaan abaaraha dartood uga soo barakacay tuulada Baanow oo 65 Km koonfur kaga beegan magaalada Baydhabo, wuxuuna ka mid yahay afar waalid oo carruurtooda fasalka la dhigta.

Maxamed ayaa u warramay Faadumo Macallin Abuukar.