Machad arrimha guurka lagu barto oo Hargeysa ku yaalla
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daawo: Iskuul gabdhaha Soomaalida lagu baro guurka

Haddii aad tahay gabar guurdoon ah, maku fakari laheyd inaad iskuul u gasho barashada waxyaabaha kor u qaada dhidibbadana u adkeeya dhismaha qoyska?

Dadka ka faallooda arrimaha guurka ayaa sheegaya in faham darrada laga haysto guurka, iyo iyadoo labada is guursanaya aysan waxba ka aqoon qaar ka mid ah waxyaabaha aasaaska u ah guurka ay door weyn ku leeyihiin furriinka.

Dhaqanka Soomaalida arrimaha ku saabsan guurka waxaa laga yaabaa in waaliddiinta oo kaliya ay kala hadlaan carruurtooda, taas oo mararka qaar si hoose looga sheekeysto.

Haddaba iskuulka Qoys-kaab ee magaalada Hargeysa waxa uu u istaagay inuu taasi wax ka beddelo.