Shir ku sabsan teknoolajiyadda oo Muqdisho lagu qabtay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir ku saabsan teknoolajiyadda oo Muqdisho lagu qabtay

Magaalada Muqdisho waxa lagu soo gabagabeeyay shir socday mudo sedex maalmooda ah kaas oo looga hadlayay cilmi baarista ku aadan technology-da iyo Science-ka Soomaaliya, waxana ka qaybagalay wakiilo ka socday shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta iyo internet-ka, iyo khubaro ka socotay jaamacadaha iyo xarumaha cilmiga.

Shirkan oo ay soo agaasimeen maamulka jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho ayaa si gaara waxyaabihii looga hadlay waxa kamid ahaa dhibaatadii internet la'aanta ahayd ee Muqdisho qabsatay horaantii bishan.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan oo ka qaybgalay dhamaadkii shirkaasi, ayaa waraystay Injineer Maxamad Maxamuud oo ah gudoomiye kuxigeenka jaamacadda SIMAD ee dhinaca horumarinta, kana mida dadkii isku howlay qabsoomida shirkan, waxa uuna marka hore weydiiyay waxyaabaha diiradda lagu saaray shirka.