Maxkamadda Sare ee Pakistan oo maanta go'aan ka gaaraysa Ra'iisul Wasaare Nawaz Sharif
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxkamadda Sare ee Pakistan oo maanta go'aan ka gaaraysa Ra'iisul Wasaare Nawaz Sharif

Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa waxa ay maanta qaadaysaa eedo musuq maasuq oo ka dhan ah Ra'iisul wasaare Nawaz Shariif, xilli uu sii kordhayo cadaadis kaga imanaya hantida qoyskiisa.

Tallaabadan ayaa daba socotay kaddib markii ay baarayaashu sheegeen in qoyskiisa ay ku guuldarraysteen inay sharaxaan halka ay ka soo gashay hantida ay haystaan.

Haddaba khadka taleefanka ee magaalada Islamabad kula xiriiray, Durraan Xasan-yare, oo ah weriye madax bannaan oo deggan dalkaasi Pakistan, oo u warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay waxa ay maanta maxkamaddu go'aanka ka gaarayso?