Adiga oo Mareykan jooga beeraley ma noqon lahayd?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweenay Soomaaliyeed oo beer ku tabcato Mareykanka

Qodoshada beeraha waa howl inta badan u gaar ah ragga Soomaalida oo intooda badan maareeya howlaha muruqa u baahan ee qoyska, halka haweenkana ay ku ekaadaan howlaha guriga.

Naciimo Dhoore oo deggan waddanka Mareykanka ayaa tusaale u noqotay rag badan, kaddib markii ay dhul ay kiraysatay ka sameysatay beer ay uga baxaan khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Naciimo Dhoore waxa ay beerta ku tabcataa magaaalada Stillwater ee gobolka Minnesota ee Mareykanka ee ay Soomaalidu ku badan tahay, waxaa halkaas kula kulmay oo wareysigan la yeeshay Siyaad Saciid Saalax oo ah weriye madax bannaan oo deggan gobolkaasi, waxa uu marka hore waydiiyay cidda iska leh dhulka ay beerato?