Markii saddexaad oo lagu guuldaraystay in meesha laga saaro caymiska Obama care

Sanatarka Arizona John McCain oo ka mid ah dadkii diiday hindisahan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Sanatarka Arizona John McCain oo ka mid ah dadkii diiday hindisahan

Isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in meesha looga saaro adeega caafimaadka ee Obama Care ayaa mar kale guuldarraystay ka dib markii aqalka saneteka ay diideen.

Ugu yaraan seddax xubnood ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo ay ka mid yihiin John McCain, Susan Collins iyo Lisa Murkowski ayaa ka soo horjeedstay isbadalka lagu doonayay in lagu sameeyo caymiskan .

Madaxwayne Donald Trump ayaa sheegay in seddaxdaasi xubnood "ay hoos u dhigeen dadka Maraykanka".

Waa markii seddaxaad oo uu guuldarraysto isku dayga lagu doonayay in meesha looga saaro adeega caafimaadka ee Obama Care.

Haddii ay suuragal noqon lahayd in meesha laga saaro caymiska caafimaadka ee Obama Care ayaa waxaa caymis caafimaad la'aan ku dhici lahayd 16 milyan oo qof laga bilaabo 2026, waxaana boqolkiiba 20 sare u kici lahaa heerka caymiska sida uu sheegay xafiiska miisaaniyadda ee Congreska.

Haseyeeshee codayntii loo qaaday isbadalkan ayaa 51 xubnood oo aqalka saneteka ka mid ah waxa ay ka soo horjeedsadeen hindisahan ,halka 49 xubnood oo u badan xisbiga Jamhuuriga ay u codeeyeen.

Hogaamiyaha aqlabiyada aqalka sanetka Mitch McConnell, oo isaga qudhiisu ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga ,ayaa ku tilmaamay natiijadan "waqti niyad jab ah ".

Sanatar ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, Chuck Schumer ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu farxay in malaayiin qof ay sii haysan doonaan daryeel caafimaad.

In meesha laga saaro caymiska caafimaadka ee Obama Care ayaa ka mid ahaa waxyaabihii ugu waawaynaa ee uu balanqaaday madaxwayne Trump xilligii lagu guda jiray ololihii doorashada Maraykanka.