Maxaad ka taqaanaa magaalada Harar oo hadda jirta in ka badan kun sano?

Harar street scene

UNESCO ayaa u aqoonsatay magaalada Harar ee Itoobiya meel taariikhi ah, waana magaalo dhaqameed jirtay 1,010 sano.

Marka ay habeenkii noqoto xilliga Harar, nin dhalinyaro ah ayaa hilib uu afkiisa ku qaaday siiya tiro waraabayaal ah (Dhurwaayo), kuwaasi oo ka imanaya banaanka magaalada. indhaha waraabaha ayaa isu bedelaya Buluug marka ay soo eegaan nalka.

Dalxiisayaasha ayaa isugu soo uruura halka waraabaha lagu quudinayo.

"Arrintan waxaan u sameeyaa sababtoo ah waxaan jecelahay xayawaanka," ayuu yiri Biniam Ashenafi oo 32 sano jir ah. Waxaana uu kamid yahay tiro dhalinyaro ah oo isu xil-qaamay shaqadan.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo nin la saaxiibay dhurwaayada magaalada Harar

"Uguma yeerno Waraabayaal. Waxaan ugu yeernaa wadaadii yar-yaraa. Sanad walba oo u dhasha taariikhda Hijriga, waxaanu u samaynaa ciidda Boorashka oo aanu ugu diyaarino afarta geesood ee magaalada".

"Haddii marka ay noo yimaadaan naga aqbalaan casumaadda, waxay ka tarjumaysaa inaan helayno mustaqbal fiican. Haddii ay diidaana, waxayna noo tahay astaan xun"

Qarniyo ayay dadka reer Harar la noolaayeen waraabaha oo kamid ah xayawaannada wax ugaarsada kuwooda ugu khatarta badan.


Taariikhda Harar oo kooban

  • Qarnigii 7-aad: Waxay qayb ka ahayd boqortooyadii Kiristaanka ahayd ee Axum, taasi oo markii dambe qaadatay Islaamka
  • 1007: Waxaa la aas-aasay magaalada Harar
  • Qarnigii 16-aad: Waxay noqotay caasimaddii boqortooyada Harari, waxayna xarrun dhexe u noqotay ganacsiga gobolka iyo barashada diinta Islaamka.
  • Waa magaaladii ugu horaysay ee Muslimiintu u haajireen markii ay Quraysh dhibaatooyinka u gaysateen.
  • 1887-dii: Waxay qayb ka noqotay Itoobiya.
  • 2006-dii: UNISCO ayaa u aqoonsatay xarun dhaqameed Caalami ah.

Magaalada waxaa ku wareegsan derbi la dhisay Qarniyadii 13 ilaa 16-aad, wuxuuna leeyahay dal-daloolo uu waraabuhu kasoo galo magaalada xilliga habeenkii.

Quudinta waraabaha ayaa qayb ka ah dhaqamo gaar ah oo ay magaalada Harar leedahay.

Cabdi Samad oo wax badan ka og taariikhda magaalada ayaa yiri "Tani waa mid kamid ah xadaaradaha qadiimiga ah ee Caalamka".

"Misaajidada aad aragto waa kuwo la dhisay Qarnigii 10-aad".

Gelitaankii Islaamka

Harar ayaa leh dhowr magac. waxaa loo yaqaanaa magaaladii barakaysnayd, halka qayb kamid ah dadka reer Itoobiya ay u aqoonsanyihiin magaalada Afraad ee Islaamka marka laga reebo Makka, Qudus iyo Madiina. Walow arrintan aanay la qabin inta badan Muslimiinta kale.

Waxaa sidoo kale loogu yeeraa magaaladii Nabadda.

Image caption Waxaa loo yaqaanaa magaaladii Nabadda.

Kumanaan qof oo isaga kala yimi caalamka iyo dalxiisayaal ayaa isugu tegay Harar si ay ugu dabaal degaan munaasabada Harar Jugol oo ah magac loo yaqaan magaalada qadiimiga ah ee uu derbigu ku wareegsanyahay, isla markaana u dabaal degaysa sanadkeedii 1,010.

Islaamka ayaa Harar gaaray sideed sano kahor intaanu tegin magaalada Madiina, halkaas oo ay u haajireen muslimiintu kadib markii lagu dhibay Maka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Jimma waa masaajidka ugu weyn ee ku yaalla magaalada Harar

Muslimiinta ayaa ka haajiray Maka, taariikhda miilaadiga ah markay ahayd 600, waxayna soo dhowayn ka heleen boqorkii Najaashi ee maamuli jiray Xabasha oo hada ah dhulka Itoobiya iyo Eretria maamulaan.

Cabdi Samad ayaa sheegay " Dadka Harar ayaa jira 7,000 oo sano, Laakiinse magaalada ayaa la aas-aasay Kun iy shan boqol oo sano kahor".

In kabadan 40 sano qarnigii 16-aad, ayay magaaladu ahayd caasimada boqortooyadii Harari, waxaana markii danbe ay qayb ka noqotay dhul waynaha Itoobiya sanadkii 1887-dii.

Dhaqamada Islaamka

Hadda Harar waxay xarun u tahay maamul goboleedka Harari- waana ismaamul hoosaad ka tirsan Itoobiya.

2006-dii ayayna UNESCO ku dartay magaalooyinka leh dhaqanka taariikhigi ah, waxaana ku yaalla dhaxal ka tarjumaya dhaqamada Afrika iyo Islaamka.

Sanado badan oo ay jirtay magaaladu, ayaanu ku iman isbedel wayn oo la taaban karo gaar ahaanna dhanka dhismaha.

Marka aad dhex maraysid wadooyinka magaalada Harar, ayaa waxaa dhegahaaga kusoo dhacaya, dhawaqa mashiinada wax lagu tolo.

Xarumaha lagu kaydiyo dhaqanka, waxaad ku arkaysaa sawiro aan lahayn kallar oo qaarkood la qaaday sanadkii 1900. Waxaana sawirada qayb ka ah suuqyo iyo Kaniisado.

Dadka halkan soo booqda, waxaa kamid ah dhalinyaro qurba joog ah oo kasoo jeeda Itoobiya.

"U malayn maayo in ay jirto caalamka meel halkan lamid ah" ayuu yiri Sayo Addous oo u dashay Harar haddana ku nool UK.

UNESCO ayaa u aqoonsatay Harar inay tahay " tusaale magaalo taariikhi ah oo si wanaagsan loo ilaaliyay, isla markaana ilaashatay dhaqamadeeda, dhaqamada dadka reer Harar-na ay yihiin kuwo qani ah ilaa wakhtigan la joogo".

Tani waa sababta ka dhigtay magaalada meel ku faanta taariikhdeeda dheer. Dadka deegaanka ayaana aamisan in ay wax badan ku kordhin karaan Afrika maadaama ay yihiin meel leh ilbaxnimo dheer.

Mowduucyada la xiriira