Qoraayaal ka tirsan Naadiga Geediga Buugaagta ee dalka Jabuuti
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qoraayaal reer Jabuuti ah oo buugaagtooda ku soo bandhigay Hargeysa

Qoraayaal ka tirsan Naadiga Geeddiga Buugaagta ee dalka Jabuuti ayaa ku soo bandhay carwadii buugaagta ee Hargeysa oo shalay la soo gebogabeeyay buugaag dhawr ah oo ay qoreen.

Qorayaasha reer Jabuuti ee buugaagtooda keenay carwadan Hargeysa waxaa ka mid ah Hibo Muumin Casoowe oo iyadu ah guddoomiyaha Naadiga Geeddiga Buugaagta ee Jabuuti iyo qoraa Rashiid Xaashi.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay goobta qorayaashani reer Jabuuti ay ku soo bandhigayeen buugaagtooda, warbixintan ayuuna halkaasi inooga soo diray.