Boko Xaraam oo shaacisay muuqaalka dad ay dhawaan qafaalatay

nigeria Lahaanshaha sawirka AFP

Xubno looga shakisan yahay kooxda Boko Haram ayaa shaaciyay muuqaal tusinaya saddex nin oo ka tirsanaa koox shidaalka baarayay oo ay ka afduubteen waqooyi-bari dalkaasi Nigeria.

Ilo-wareedyo ayaa BBC u sheegay in in ka badan afartan qof oo badankood ay ahaayeen ciidammo iyo rayid lagu dilay weerarkii lagu qaaday kolonyo ku socotay magaalada Maiduguri horraantii toddobaadkan.

Jaamacadda Maiduguri ayaa xaqiijisay in saddex nin oo ka soo muuqday cajaladaasi muuqaalka ah ay yihiin xubno ka mid ah shaqaalaha jaamacaddaasi.

Raggan oo ku fadhiya roog cas ayaa u muuqday in ay bad-qabeen oo aan wax dhibaato ah la gaarsiin.

Mid ka mid ah raggani oo hadal jeediyay isaga oo uu cadaadis saaran yahay ayaa ugu baaqay dowladda in aysan awood u adeegsan kooxda jihaadiga ah.

Mintidiin looga shakisan yahay in ay yihiin islaamiyiin ayaa qafaashay raggaasi, xilli ay ku soo laabanayeen magaaladaasi Maiduguri, iyaga oo ay la socdeen ilaalo aad u hubeysan.

Kaddib weerarkaasi gaad-mada ah, dowladda Nigeria waxa ay ku amartay taliyeyaasha ciidamadeeda milatariga in ay magaaladaasi u wareegaan si ay xaaladda dhabta ah ee amaan ee magaaladaasi u soo ogaadaan.

Woqooyi bari Nigeria ayaa waxaa la degay kacdoonka kooxda Boko Xaraam.

Inkastoo miltariga dalkaasi uu gacanta ku dhegay dhul horey ay kooxdani u maamuli jirtay, haddama milatariga dalkaasi ayaa la daalaa dhacaya sidii uu u hakin lahaa weerarada ismiidaaminta ah ee kooxdani iyo halista weerarada gaadmada ah iyo dadka la qafaalanayo.