Israa'iiligii Falastiiniga dilay oo racfaan laga diiday

Elor Azaria waxaa maxkamadda ku weheliyay waalidkii Oshra iyo Charlie Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Elor Azaria waxaa maxkamadda ku weheliyay waalidkii Oshra iyo Charlie

Maxkamadda milatariga ee Israa'iil ayaa diiday racfaan uu qaatay askari lagu xukumay 18 billood oo xabsi ah ka dib markii uu dhaawac tiray falastiini weerar soo qaaday.

Elor Azaria ayaa lagu helay dambigan bishii Janaayo ee sannadkan ka dib markii uu bishii Maarso toogtay Cabdifatax Shariif oo 21 jir ah oo ku sugnaa deegaanka Al Khaliil ee Daanta Galbeed.

Azaria ayaa askari kale u sheegay in Shariif oo askari kale dhaawacay uu u qalmay in uu dhinto.

Masuuliyiinta milatariga ayaa ficilkiisa cambaareeyay, laakiin kuwa kale way ammaaneen.

Dhagaysigaas ka dib, Ra'iisalwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga Avigdor Lieberman ayaa sheegay in loo baahanyahay in la cafiyo askariga.