Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga

Al -Shabab oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al Qaacida Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Al -Shabab oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al Qaacida

Militariga dalka Uganda ayaa waxa ay sheegeen in 12 ka mid ah askartooda la dilay 7 kalana lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo ay kooxda Al-Shabab ku qaadeen Axaddii koonfurta Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa waxa ay qayb ka ahaayeen kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika oo ay si wadajir ah howlgal u wada fulinayaan ciidamada Soomaaliya.

Al-Shabab ayaa waxa ay horey u sheegeen in ay dilen 39 askari,balse tiradaasi lama xaqiijin karo.

Weerarka dhacay Axaddii shalay ahayd ayaa ku soo beegmaya xilli gaari banbaano lagu soo xiray uu ku qarxay wado mashquul badan oo ku taalla caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ,halkaasi oo ay ugu yaraan ku dhinteen 6 qof ayna ku dhaawacmeen ugu yaraan 10 qof.

Midowga Afrika ayaa waxa ay hore uga gaabsadeen in ay sheegaan tirada qasaaraha balse waxa bartooda twiitarka ku sheegeen "in qasaaro badan loo gaystay cadowga halka uu ciidamada midowga afrikana uu qasaaro soo gaaray.