UNICEF oo shaacisay heerka naas nuujinta ee Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

UNICEF oo shaacisay heerka naasnuujinta ee Soomaaliya

Daraasad ay dhawaan soo saartay hay'adda UNICEF qeybteeda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah tobankii hooyo ee Soomaaliya ku nool ay lixda bilood ee ugu horreysa carruutooda ku habaan naas kaliya.

Warbixinta ayaa waxa ay tilmaamaysaa in uu aad sare ugu kacay heerka naasnuujinta kaliya ah, taas oo hadda maraysa boqolkiiba 30, halka sanadkii 2009-kii ay aheyd boqolkiiba shan.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu sarreeya dunida heerka dhimashada ee carruurta ay da'doodu ka yar tahay shanta sano, oo todobadii canugba hal ayaa dhinta inta uusan gaarin da'da shanta sano.

Haddaba Jamaal Cabdi Sarmaan, waa madaxa warfaafinta ee hay'adda UNICEF, qeybteeda Soomaaliya, daraasaddan ay soo saareen ayaa waxaa ka wareystay Fardowsa Maxamed Cilmi.