Shirkad Tubaako oo lagu hayo baaritaan ku aadan in ay Afrika laaluush ka bixisay

Sigaar Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Sigaar

Shirkadda tubaakada ee UK ee loo yaqaano BAT waxay sheegeysaa in lagu hayo baaritaan rasmi ah oo la xiriira in laaluush ay ku bixisay Bariga Afrika.

Arrintaasi eeda ah ayaa markii ugu horeysay laga baahiyay barnaamijka Panorama ee BBC, sannadkii 2015-kii.

BAT waxay sheegtay in ay baareysay Musuqmaasuqa lagu eedeeyay ayadoo adeegsaneysay lataliyayaal ka socday hay'adda la dagaallanka laaluushka ee SFO.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka go'an tahay inay gacan ka geysato baaritaanka rasmiga ah ee hadda socda.

Paul Hopkins, oo BAT uga shaqeynaayay Kenya 13 sano, wuxuu Panorama u sheegay in uu laaluush bixin jiray ka dib markii loo sheegay in ganacsiga Afrika uu sidaas ku shaqeeyo.

Laaluushka waxaa loo bixiyay si looga gudbo sharciga ku saabsan isticmaalka tubaakada ee gobolka Bariga Afrika.

Hay'adda baaritaanka sameyneysa ee SFO waxay cadeysay "in ay baareyso shaki musuqmaasuq oo la xiriira shaqada BAT ee bariga Afrika oo ay geysteen shaqaaleheeda iyo shirkadaha shuraakada la ah".

Waxay weydiisatay "kuwa haya cadeyn ku saabsan baaritaanka in ay la xiriiraan SFO ayagoo maraya qadadka qarsoodiga ah ee hay'adda".

Waraaqo sir ah

Barnaamijka Panorama ayaa helay warqado sir ah oo muujinaya in lacag laaluush ah la siiyay siyaasiyiin iyo shaqaalaha dowladaha Bariga Afrika.

BBC ayaa shan bilood waday baaritaaanka, waxayna heshay boqollaal dukumantiyo oo muujinaya sida loo laaluushay xildhibaanno iyo xitaa shaqaalaha u shaqeeya shirkadaha loolanka kula jira BAT.

BAT xilligaas waxay BBC-da u sheegay "Runta waxay tahay in aynaan u dul qaadaneyn musuqmaasuq, meeshuu ka dhacaba."

Ra'iisulwasaare Theresa May ayaa xilligii ololaha doorashada sheegtay in ay albaabada u laabi doonto hay'adda SFO, balse hay'addaas ayaa ganaaxday sannadkan shirkadaha Rolls-Royce iyo Tesco oo lagu kala eedeeyay bixin laaluush iyo dhaqan xumo.

Saamiyada BAT ayaa hoos u dhacay boqolkiiba afar markii uu soo baxay warka musuqmaasuqa ku saabsan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan