Madaxweynaha Maraykanka oo ansixiyey cunaqabataynta Ruushka

Donald Trump Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Donald Trump

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu saxiixay qaanuun xayiraad lagu saarayo Ruushka, kaasi oo uu dhawaan meelmariyey aqalka Koongareeska dalkaasi.

Qaanuunkaan ayaa lagu saaraya Ruushka cunaqabteyn sababa la xiriira siyaasadda Ruushka ee waddanka Ukrain iyo faragalintii la sheegay inuu ku sameeyay doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee dhacday sanadkii 2016-ki.

Saxiixa qaanuunkaan, ayaa Mr Trump waxa uu uga fogaaday waji gabax uu kala kulmi lahaa Koongareska haddii uu diidi lahaa kuwaasi oo codka diidmada qaxayan u qaadi lahaa.

Midowga Yurub ayaase dhaliilay ku dhawaaqida cunaqabateyntaandaan halka dhinac ah, taasi oo laga cabsi qabo inay saameyso dalabka gaaskeeda ee Ruushka ku xiran.