Suuriya:Heshiiska xabad joojinta Xalab oo lagu dhawaaqay

Magaalada Rastan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Magaalada Rastan

Xabad joojin u dhaxaysa ciidamada Suuriya iyo mucaaradka wuqooyiga Xalab ayaa la saxiixay waxaana lagu wadaa in ay dhaqangasho maanta oo khamiisa ah, sida ay sheegtay wasaarada gaashaandhiga Ruushka.

Waxa ay noqonaysaa heshiskii sedaxaad ee noocan oo kala ah ee lagu qaboojinayo xiisada Suuriya tan iyo bishii July ka dib markii ay wadahadalo yeesheen dowladda iyo mucaraadka.

Xabad joojinada kale ee la saxiixay ayaa ah kuwa ka dhaqan galay qaybo ka mid ah koonfur galbeed ee Suuriya iyo duleedka caasimada Dimishiq.

Dagaalka Suuriya ayaa socday tan sanadii 2011 balse dagaalka ayaa u muuqday mid sii qaboobayay ka dib markii heshiisyo dhowr ah la gaaray bilooyiinkii ugu danbeeyay.

Wasiirka gaashaandhiga Ruushka Igor Konashenkov ayaa sheegay in xabad joojintii ugu danbaysay ay tahay mid lala gaaray mucaaradka qunyar socodka ah ee Suuriya.

Waxa uu sheegay in Ruushka ay in si dhaw ula socon doonaan hirgalinta xabad joojintan.

Dagaalka Suuriya ayaa waxa uu galaaftay noolasha in ka badan 330,000 oo qof ,waxaana ku barakacay malaayiin qof.