Gabadh xabsi ku mutaysatay in ay saaxiibkeed ku qalqaalisay in uu is dilo

Carter ayaa la sheegay in ay fariin gaaban u dirtay wiilka oo ay ku qalqaalisay in uu Roy is dilo Lahaanshaha sawirka FACEBOOK
Image caption Carter ayaa la sheegay in ay fariin gaaban u dirtay wiilka oo ay ku qalqaalisay in uu Roy is dilo

Gabadh Maraykan ah oo ku sugan gobolka Massachusetts ayaa lagu xukumay xabsi labo sano iyo bar ah iyada oo loo haysto in ay saaxiibkeed ku dhiirigalisay in uu is dilo iyada oo taleefan kula hadashay fariimo gaagaabanna u dirtay.

Michelle Carter, oo hadda 20 jir ah ayaa xabsiga la dhigi doonaa 15 billood, shan sano oo kalana lala socon doonaa sida ay u dhaqanto.

Carter ayaa bishii Juunyo lagu helay in ay gacan ka gaysatay dhimashada Conrad Roy oo is dilay 13 Luulyo ee sannadkii 2014kii.

Roy aabihii ayaa dhagaysigii maxkamadda ee Khamiista u sheegay "in qoyskiisu ay niyad jabeen, wiilkiisuna uu ahaa saaxiibka ay isugu dhaw yihiin dadka."

Michelle ayaa loo ogolaaday in aan xabsiga la dhigin inta laga dhagaysanayo racfaanka ay qaadatay.

Waxay wajihi lahayd 20 sano oo xabsi ah, laakiin qareennadeeda ayaa ku dooday in iyada iyo Roy-ba ay maskixiyan u xannuunsanaayeen.