Qaramada Midoobay oo sheegtay in 250 ruux lagu dilay dalka dalka DR Congo

DRC Lahaanshaha sawirka Getty Images

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 250 qof oo ay ka mid yihiin 60 carruur ah ay noqeen dhibanayaal xasuuq salka ku haya qawmiyadoo ka dhacay gobolka xasaradahu ka oogan yihiin ee Kasai ee Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo.

Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa daboolka ka qaaday in ciidammada ammaanka ee deegaankaasi iyo maleeshiyada dawlada taageera ee loo yaqaan (the Bana Mura) ee loo diyaariyey inay ka hortagaaan kacdoonka ka jira gobolkaasi ay masuul ka ahaayeen inta badan dilalka oo dhacay intii u dhaxaysay bilshii Maarso iyo Juunyo.

Kooxda falaagada ee lagu magacaabo Kamuina Nsapu ayaa lagu eedeeyay in ay qaadeen dilal iyo inay caruurta u adeegsadaan dagaaladda.

Warbixnita oo uu soo saaray madaxda laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda Aadanaha Zeid Raa'ad al-Hussein ayaa salka ku haysa cadeymo ay bixiyeen dad u firxaday dalka Angola si ay uga baxsadaan colaadda.