Madaxwayne Paul Kagame oo mar kale ku guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday

Mr Kagame waxa uu ka codeeyay caasimada Kigali Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mr Kagame waxa uu ka codeeyay caasimada Kigali

Guddigga doorashada ee dalka Rwanda ayaa waxay sheegeen in madaxwayne Paul Kagame uu si wayn ugu gulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday jimcihii.

Guddiga ayaa waxay sheegeen in natiijada ay muujinayso in Mr Kagame uu helay boqolkiiba 98 ka mid ah codadkii la dhiibtay .

Taageerayaasha Kagame ayaa bilaabay dabaalddag ka hor inta aan la shaacin natiijada doorashada.

Dadka taageersan madaxwayne Paul Kagame ayaa waxa ay sheegeen in xasilooni iyo hormar dhaqaale uu dalkaasi u horseeday ka dib xasuuqii 1994 ka dhacay Ruwan.

Balse dadka dhaliila oo intooda badan ku nool dibadda dalkaasi ayaa waxay sheegeen in Kagame uu dalka ku xukumo cabsi galin.

Mr Kagame, oo awooda dalkaasi hayay muddo 17 sano ah ,ayaa waxa xilka kula tartamay Frank Habineza iyo Philippe Mpayimana.

Labada musharax ee xilka kula tartamayay ayaa waxay cabasho ka muujiyeen in taageerayaashooda loo cagajugleeyay.

Musharaxiinta ayaa waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen qaar ka mid ah dowladaha hoose in ay caqabad ku ahaayeen ololahooda.

Xisbiga talada haya ayaa waxay beeniyeen dhammaan eedeeymaha mucaaradka.

Waxa uu xukunka dalkaasi qabtay 1994, markaasi oo koox mucaarad ah oo uu hogaaminayay ay qabsadeen caasimada, Kigali, taasi oo soo afjartay xasuuqii lagu dilay dad gaaraya 800,000 oo asalkoodu yahay Tutsis iyo Hutus.

Dastuyuurka dalka Rwanda ayaa isbadal lagu sameeyay 2015, taasi oo fursad u siisay Mr Kagame in uu talada sii hayn karo ilaa 2034.