Cimilada Yurub oo laga dayrinayo inay sii kululaato

Dab qabsaday kaynta Artigues ee koonfur bari Faransiiska Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dab qabsaday kaynta Artigues ee koonfur bari Faransiiska

Daraasad cusub ayaa tilmaamaysa in wixii loo gaaro dhammaadka qarnigan, ay suuragal tahay in kuleyl ba'an uu sanadkiiba Yurub ku dili doono 150 kun oo qof.

Golaha Saynisyahanada Yurub ayaa sheegaya in musiibooyinka ka dhasha cimilada ay macquul tahay inay saameeyaan saddex meelood oo laba meel dadka ku nool Yurub wixii looga gaaro 2100, iyadoo koonfurta Yurub ay ku dhici doonto saameynta ugu daran.

Saynisyahanada ayaa ku baaqay in la qaado tallaabo degdeg ah oo lagu xakameynayo wasakhda warshadaha ka soo baxda iyo in si wanaagsan loogu diyaargaroobo dhacdooyinka ba'an sida dab qabsada keymaha, abaaraha iyo fatahaadaha.

Inta badan koonfurta Yurub ayaa haatan waxaa ka jira cimiladii ugu kululeyd muddo ka badan toban sano, iyadoo meelaha qaarna ay cimiladu gaartay 45 digrii ee halbeegga celsius.