Afhayeenka Galmudug oo ka hadlay dilkii gudoomiyihii gobolka Galgaduud
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Afhayeenka Galmudug oo ka hadlay dilkii gudoomiyihii gobolka Galgaduud

Koox hubeysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dishay ALLAHA u naxariistee gudoomiyihii gobolka Galgaduud, Maxamad Daahir Cilmi, waxaana lala dilay walaalkii xili ay la joogeen aabahood oo xanuunsanaa.

Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Carafaad ee degmada Yaaqshiid.

Haddaba dilka gudoomiyaha Galgaduud ayaa waxaannu ka wareysannay Cabdillahi Xaashi Roob Da'ay, afhayeenka maamul goboleedka Galmudug, oo u warramay weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan oo marka hore weydiiyay sida uu u dhacay dilka gudoomiyaha?