Hogaamiyayaal ka tirsan mucaaradka Venezuela, oo la xiray

Dibad baxyada Venezuela Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dibad baxyada Venezuela

Hogaamiyaha ugu sareeya mucaaradka Venezuela, Leopoldo Lopez, ayaa dib loogu celiyay xabsi guri ka dib markii muddo 4 maalmood ah lagu hayay xafsi militari.

Mr Lopez ayaa isaga iyo Antonio Ledezma oo isna ka soo horjeeda dowlada waxa la xiray talaadadii.

Leopoldo Lopez ayaa xabsiga laga siidaayay jimcihii waxaana dib loogu celiyay xabsi guri.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo siidaayo hogaamiyayaasha ka tirsan mucaaradka Venezuela.

Mucaaradka Venezuela ayaa waxay ku eedeeyeen dowlada Nicolas Maduro in ay afduub u haysato hay'adaha dalkaasi.

Sabtidii ,golaha cusub ee baarlamaanka dhawaan lagu soo doortay doorashadii muranka dhalisay ayaa waxay xilka ka qaadeen oo ay badaleen dacwad soo ooogaha dalkaasi.

Muddooyiinkii ugu danbeeyay ayaa waxa dalka Venezuela ka socday dibad baxyo looga soo horjeedo dowlada madaxwayne Nicolas Maduro.