Venezuela oo baadigoobaysa mucaarad hubaysan

Security forces overfly Venezuela"s third city, Valencia, as anti-government activists demonstrate, 6 August Lahaanshaha sawirka AFP

Baaritaan ayaa ka socda dalka Venezuela ka dib markii ay baxsadeen toban nin oo hubaysan oo weeraray saldhig milatari, sida uu sheegay madaxweyne Nicolás Maduro.

Weerarkan ka dhacay magaalada waqooyiga galbeed ku taalla ee Valencia waxaa ka qaybqaatay 20 ruux, madaxweynuhuna wuxuu sheegay in la dilay labo ka mid ah, mid kalena la dhaaway toddobo kalena la xidhay.

Mar sii horaysay waxaa baraha bulshadu ku xiriirto la soo dhigay fiidyoow ay ka soo muuqdeen rag sheegaya in ay la dagaalamayaan "diktaatooriyad dad lays ah".

Dhacdadaas ka sokow, xaaladda dalkaasi ayaa mid degan u muuqata.

War uu madaxweyne Maduro ka baahiyay telefeshinka qaranka ayuu ugu hambalyeeyay ciidammada "sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen" weerarkaas lagu soo qaaday saacadihii hore ee Axaddii, wuxuuna sheegay in ay kasbadeen xurmadiisa.

Madaxweynuhu wuxuu dhacdadaas ku tilmaamay "mid argagixiso" oo ay ka dambeeyaan dad calooshood u shaqaysteyaal ah.

Wuxuuna intaas ku daray in ay ciidammadu si wayn u baadigoobayaan kuwii baxsaay, isaga oo wacad ku maray in ay gacanta ku soo dhigi doonaan.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sawirradii ugu cajiib sanaa ee toddibaadyadan laga qaaday Venezuela