Mike Pence oo diiday in uu madaxnimo isu sharaxayo 2020

Mike Pence wuxuu sheegay in warbixintan looga golleeyahay in lagu kala qaybiyo maamulka Trump Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mike Pence wuxuu sheegay in warbixintan looga golleeyahay in lagu kala qaybiyo maamulka Trump

Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Mike Pence ayaa ayaa meesha ka saaray oo "wax laga xishoodo iyo weerar" ku tilmaamay wararka tilmaamaya in uu isu diyaarinayo in uu madaxweynenimo u tartamo sannadka 2020ka.

Wargeyska Ney York Times ayaa sheegay "in la billaabay ol'ole aan la shaacinin" oo ay billaabeen dad ka mid ah xisbiga Jamhuuriga, iyaga oo ay la tahay in madaxweyne Donald Trump uusan mar kale isa soo sharixi dooin mar kale.

Wargayska oo ilo dhawr ah soo xiganaya ayaa sheegay in Pence uu si aan badheedhe ahayn u qorshaynayo in uu madaxweynenimo u tartamo haddii Trump uusan isa soo sharixin.

Pence ayaa sheegay in warbixintaas ay tahay isku day lagu doonayo in lagu kala qaybiyo maamulka.