K/Waqooyi oo wadahadalka ay K/Koonfureed ku baaqday ku tilmaantay mid aan "daacad laga ahayn"

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuriyada Koonfureed oo midig ka muuqata ayaa sidoo kale la kulantay danjireyaasha dalalka kale Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuriyada Koonfureed oo midig ka muuqata ayaa sidoo kale la kulantay danjireyaasha dalalka kale

Kuuriyada Waqooyi ayaa arrin aan "daacad laga ahayn" ku tilmaantay wadahadallada ay ku baaqday Kuuriyada Koonfureed, ka dib markii saraakiishooda sarsare ay yeesheen kulan naadir ah.

Masuuliyiinta Kuuriyada Koonfureed ayaa BBC-da u sheegay in wasiirkooda arrimaha dibadda Kang Kyung-wha ay wadahadal la yeelatay dhiggeeda Kuuriyada Waqooyi Ri Yong Ho.

Kulankaas shir-doceedka ah ayaa dhacay intii lagu gudo jiray Shir wayn oo lagu qabtay magaalada Manila ee dalka Philippine.

Bilihii u dambeeyay waxaa sare u kacay dareenka ka taagan gacanka Kuuriya iyada oo Kuuriyada Waqooyi ay ku celcelisay tijaabinta gantaalladeeda.

Gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobayna wuxuu Sabtidii u codeeyay in cunaqabataynno horleh lagu soo rogo Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Koonfureed ayaa bishii hore hindistay in ay wadahadal la yeelato Kuuriyada Waqooyi si loo dajiyo xiisadda dibna loo billaabo midayntii qoysaskii uu kala geeyay weerarkii Kuuriya, laakiin Kuuriyada Waqooyi wali si rasmi ah ugama aysan jawabin dalabkaas.